U bood dhigaalka

Xaalada Kismaayo oo saaka degan kadib qaraxii shalay

Sheeko:War
Kismaayo1
Magaalada Kismaayo

Waxaa saaka degan xaalada Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose, kadib markii shalay Magaaladaasi uu ka dhacay qarax ka dhacay hoyga Magaaladaasi uu ka degan yahay Iftiin Xasan Baasto.

Ciidamada Maamulka kumeelgaarka ee Jubba ayaa waxa ay saaka magaalada Kismaayo ka sameeyeen howlgallo ay ku xaqiijinayeen ammaanka Magaalada. Ma cada dadka lagu soo qabtay howlgalkan, inkastoo weli uu socdo howlgalkaasi ka socda Magaalada Kismaayo.

Qaraxa ka dhacay aqalka Iftiin Xasan Baasto ayaa dhaliyay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Caruurta Iftiin qarkood halka ay geeriyoodeen askar ilaaladiisa ka mid aheyd. Iftiin Xasan Baasto oo ka hadlay qaraxan lagu qaaday ayaa sheegay inuu ka bad-baaday oo uu bad-qabo.

Ciidamada maamulka KMG Jubba ayaa ka sameeya gudaha Kismaayo howlgallo ay ku sagaan amniga magaalada, kuwaasoo ay ku soo qabtaan dadka ka dambeeya falalka amni darro ee ka dhaca magaalada.