U bood dhigaalka

Xaaladda Abaaraha Gobolka Sanaag Oo Ka Sii Dartay

Sheeko:Dalka

Xaaladda abaaraha ee gobolka Sanaag ayaa ka sii dartay iyadoo meelaha qaar dadku ay qarka u saran yihiin inay u geeriyoodaan macluul.

Waxaa inta badan baaba’ay duunyadii ay dadka ku nool gobolka Sanaag dhaqan jireen haddii ay tahay ari iyo geelba.

Mid kamid ah odayaasha gobolkaasi Saciid Cadalla Guuleed oo kormeer ku soo maray meelo kamid ah gobolkaasi ayaa sheegay in dadka iyo duunyado ay aad u il daran yihiin.

Degaannada Bari iyo kuwa waqooyi ee Sanaag ayaa gebi ahaanba dadku ay uga hayaameen biyo la’aan waxaana in muddo ah degaannadaasi ku hoorin xilli roobaadka.

Saciid Cabdalla ayaa inoo sheegay in xoolaha badankood ay u dhinteen biyo la’aan baahsan oo gobolka ka taagan haddana ay Qatar ugu sugan yihiin dadka shacabka ah inay u geeriyoodaan biyo la’aantaasi.

“Xoolihii wixii u badnaa ari ayaa u dhintay biyo la’aanta iyo duunyadii kale oo dadka ay dhaqan jireen degaannada bari iyo galbeed oo gobolka aan tagnay waxaan ku soo aragnay wax aan aad u fiicneyn oo u baahan u gurmasho degdeg ah oo ay helaan” ayuu yiri nabadoonkaasi.

Dhanka kale, gobolka Sool oo deris la ah gobolkani Sanaag ayaa isna laga soo sheegayaa abaaro sababay dhimasho iyo barakac inay ka taagan yihiin.

Abaarahani saameynta ay geysteen ayaa la qiyaasi Karin waxaana jira dad u dhimanaya harraad iyo gaajo.

Biyo la’aanta baahsan waxaa wehlisa raashin la’aan dadkana ma heli karaan raashin ay cunaan, taasoo keeneysa cudurro iyo dhimasho.

Maamullada degaannadaasi ayaa dhowr jeer warbaahinta kaga dhawaaqay xaalado adag oo ay dadkaasi wajaheen mana jiro maamul iyo dowlad dadkaasi shacabka ah ay gacan ka heleen.

Goobjoog News