U bood dhigaalka

Xaaladda Amni Ee Gobolka Gedo Oo Laga Hadlay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dhowaan ay degaanno ka tirsan gobolkaasi ay ka sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay howlgalkooda ka sameeyeen degaanno ay ku sugnaayeen Xarakada Alshabaab oo ku yaalla gobolka Gedo.

“Ciidamada ayaa fuliyay howlgallo kuwaasoo lagu xaqiijinayay amniga degaanno ka tirsan gobolkaan Gedo, waxaana sidoo kale ciidamada ay guulo ka gaareen intii ay ku guda jireen howlgalladooda” ayuu yiri guddoomiye xigeenka gobolka Gedo.

Dhanka kale, guddoomiye xigeenka ayaa sheegay in howlgallada degaannada ay ciidamada ka fulinayeen oo dhammaantood hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo uu daba socday gurmad biyo dhaamin ah oo loo sameeyay qoysas halkaas xaalado nolal xumo iyo biyo la’aan ay ku heystaan.

“Walaal gurmad biyo dhaamin ayay ciidanku sameeyeen inta ay howlgallada wadeen waxaana gacan bir ah ku qabanaynaa ammaanka degaannada gobolka oo dhan” ayuu yiri guddoomiye xigeenka amniga gobolka Gedo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo degaanno ka tirsan gobolka Gedo weli ay maamulayso Xarakada Alshabaab isu socodka waddooyinka qaarna Alshabaab ay ka xirteen gaadiidka dowladda iyo AMISOM inay isticmaalaan.

Goobjoog News