Sida ay sheegeen odoyaal la hadlay Idaacado kale duwan, waxaa gacanta Itoobiya laga sii-daayey Cabdikarim Qalbi-dhagax kaas oo 10 bil ka hor ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u gacan gelisay maamulka Itoobiya.
Laakin sida uu afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge u sheegay VOA-da, C/kariin ma heysto xuriyad dhameystiran, isaga oo arrintaas ka hadlkaya waxaa uu yiri “C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.”
Dhinaca kale, shalay galab waxaa Goobjoog News la hadashay gabar uu adeer u yahay, waa mas’uul ka tirsan dowladda federaalka ah iyada oo codsatay in magaceeda la qariyo waxaa ay qabtaa walaac la midka ah ONLF, iyada oo sheegtay in weli wada hadal uu soo socda sidii xuriyad dhameystiran u heli lahaa.
Goobjoog News