U bood dhigaalka

Xaaladda Gaalkacyo Oo Deggan Iyo Dadkii Ugu Badnaa Oo Isaga Baxay

Sheeko:Dalka

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa yara deggan maanta Jimcaha ah waxaana isaga baxay magaalada dhammaan dadkii shacabka ahaa ee deganaa Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dhinacyada Galmudug iyo Puntland ay isku horfadhiyaan galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Magaalada ayaa laga dareemayaa saansaanta colaadeed ee u dhaxeysa labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, waxaana barakaca dadka shacabka ah sababay kadib markii madaafiic iyo hoobiyeyaal ay isugu jawaabeen labada dhinac magaalada gudaheeda.

Dadka shacabka ah ayaa degaansanayaa degaanno ku yaalla duleedyada magaalada Gaalkacyo labada dhinac ee Koonfur iyo Waqooyi.

Xaalado adag ayaa la soo sheegayaa in dadweynaha ka barakacay magaalada Gaalkacyo ay wajaheen kuwaasoo ay ka mid yihiin xanuunno, biyo yari, koronto la’aan iyo dhibaatooyin kale.

Maanta ma jiro wax dagaal ah oo laga maqlayo magaalada iyo dhankeeda galbeed inkastoo mar walba laga baqdin qabo in dagaal uu dhici karo maadaama labada dhinac ay magaalada isku horfadhiyaan.

Ma jiro adeegyo bulsho oo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug shaqeynaya waxaana magaalada ku sugan dad yar oo ilaalsanaya hantidooda iyadoo la soo sheegayo in xalay ay jireen dad ka baxayay xilliga dambe.

Goobjoog News