U bood dhigaalka

Xaaladda Murugsan ee Dalka Burundi & Go’aanka Midowga Afrika

Sheeko:Dalka

Waxaa ka jira dhibaatooyin siyaasadeed oo halis ah tan iyo dhamaadka Bishii April ee aan soo dhaafnay, kadib markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu xilka dalkaas u taagan yahay muddo sadexaad.

Boqolaal qof ayaa dhimatay , waxaa guryahoodii ka qaxay 200 Kun oo ruux inta ay billaabatay dhibaatada xoogga leh ee ka taagan dalka Burundi , dhibaatadan ayaa walaac badan ku haysa Bulshada Caalamka , iyadoo muddo aan sidaa usii fogayn  laga joogo dagaalkii sokeeye ee dalkaas.

Diblomaasi sare oo ka tirsan Midwoga Afrika ayaa sheegay jimicihii in Golaha Ammaanka ee Midowga Africa uu go’aan ku gaaray in ciidamo nabad ilaalin ah loo duiro dalka Burundi, si  loo ilaaliyo dadka rayidka ah, tallaabadan ayaa loo bandhigay xukuumadda Burundi laakiin waxaa lagala kulmay waji gabax kadib markii ay go’aankaa kaga hor yimadeen diidmo qayaxan.

Go’aankan Midawoga Afrika ayaa la hor dhigayaa madaxweynayaasha Africa oo hadii la helo codad Saddex meelood oo labo meel ay suura gal noqoneyso in ciidamo loo diro Burundi iyadoo idan qaadasho laga sugin dowlada dalkaas, waana sida uu sheegay u qeybsanaha Midowga Africa ee Labada wadan Burundi iyo Kongo ninka la yiraahdo Bonaventor Cakpo .

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Baab Buyoya ayaa sheegay in Dalka Burundi uu khatar ugu jiro xasuuq, isagoo ku eedeeyay hogaanka dalkaasi inuu u hor seedayo dhibaato hor leh oo mushkiladda Sii hurisa.

Goobjoog News