U bood dhigaalka

Xaaladda Soomaalida Kasoo Carartay Yemen Ee Ku Sugan Boosaaso Oo Laga Warbixiyay

Sheeko:Dalka

Guddiga Gurmadka Qoysaska Yemen ka yimid ee Boosaaso ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xaaladda ay hadda ku nool yihiin dadkaasi, gaar ahaan kuwii dhawaan soo gaaray magaaladaasi.

Gudoomiyaha Guddigaan Sheekh Yuusuf Axmed Daad oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in dadkaan ay gurmad ka heleen shacabka iyo ganacsatada Puntland.

Waxa uu sheegay in ay iska jiraan dad yara xanuunsan, hase ahaatee ayla tacaalayaan xaaladooda caafimaad hay’adaha ku shaqada leh.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ay yihiin kuwo aan u kala harin u gurmashada walaalahooda soo gaaray magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn Sheekh Daad ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u gurmadaan walaalahooda kasoo cararaya dalka Yemen.

Goobjoog News