U bood dhigaalka

Xaaluf Dhanka Dhirta Ah Oo Ka Socda Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Kooxo hubeysan ayaa xaalufin dhanka dhirta ah waxay ka wadaan degaanno badan oo ku yaalla gobolka Sanaag iyadoo arrinkaasi ay cabasho xooggan ka muujiyeen dadka xoolo dhaqatada ah.

Deegaannada sida xowliga ah uga socoto jarista dhirta ayaa waxaa ka mid ah Booda Cadde, Kulaal, Daba Xarago iyo kuwo kale, waxaana ragga hubeysan ee wada xaalufinta yihiin dad kasoo jeeda deegaannada xaalufintani ka socoto.

Maxamed Cabaas Cabdi oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Booda Cadde oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in kooxaahani ay muddo badan wadeen jarista dhirta dadka deegaankana aanay waxbo ka qaban karin.

“Dhul weyn bay dhir jarista ka wadaan, wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladdii dhexe waa ay socotay, hase ahaatee baryahaan dambe si xowli ah bay ku socotaa, rag hubeysan oo deegaannadaa deggan baa howsha kaalin xooggan ka qaadanaya, waana la waayey awood lagu joojiyo” ayuu yiri Maxamed

Sidoo kale Maxamed Cabaas ayaa sheegay in maalintii ay deegaannadaan ka baxaan 30 gaari oo wada dhuxusha laga shido dhirta la jaro, waxaana uu intaa ku daray in Odayaasha dhaqanka ay wax ka qaban waayeen arrinkani.

Saameynta ugu badan ee jarista dhirtan waxay ku yeelatay dadka xoolo dhaqatada ah oo qaarkood billaabay in deegaannadaasi ay ka barakacaan.

Goobjoog News