U bood dhigaalka

Xaaska Gaashaanle Cabdi Cali Seed Oo Ka Hadashay Qaabkii Uu U Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya waxa uu ahaa Aabe sideed caruura dhalay,50 sano jirna ahaa saakay labadii  saac iyo bar ayaa meedkiisa lagu arkay xeradii uu daganaa ee Sheelare  ee dagmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir, taas  oo horay loogu wargaliyay inuu ka guuro,

Amarkii lagu faray inuu ka guuro xerada ayaa ku ekeed maalinimadii shalay waxaa taas xigtay in laga helay meedkiisa isla xeradii uu daganaa,

Ehelada Gaashaanle dhexe  Cabdi Cali Seed  oo warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in Gaashaanlaha la dilay oo uusan asagu is dilin

Deeqo Axmed oo ah Marxuumka  dhintay xaaskiisa oo Goobjoog News la hadashay ayaa sheegtay in uusan is dilin saygeeda balse la dilay.

” Waxaan ahay xaaskiisa waxa uu ahaa sargaal Booliska ah oo Gaashaale dhexe ah waxaa nagula war galiyay shalay in nala yiri dhulka waa la duminayaye maxaad uga bixiweysay,waxa uu yiri Taliye aniga meel aan aado ma aqaano ma jirto,Taliyihii ayaa ugu jawaabay haddaan ka bixin waan kaa duminaynaa”.

Sidoo kale Deeqo oo  hadalkeeda siiwadato ayaa sheegtay in Gaashaanlaha laga wacay taliska guud markii uu tagayna loo sheegay in guddi loo soo diraayo, assagana lagu wargaliyay inuu ku noqdo hoygiisa.

” Waxaa laga wacay xafiiska guud markii uu tagayna waxaa lagu yiri xogheynbaa laguu soo dirayaa oo guddi ayaa loo saarayaa orad gurigaga ku laabo”

Dhanka kale Deeqo axmed ayaa sheegtay in warka lagu sheegayo in ninkeedu is dilay aan waxna ka jirin oo xalay asagoo fiyoow uu ka tagay waxa ayna sheegtay in la dilay.

” Xalay waxaan kala jiifay 11-kii habeenimo saakay markaan soo baxnayna 8:30 subaxnimo ayaa lagu arkay xeradii uu daganaa meedkiisa, ciidanka meesha jooga ayaa natusay, waa la geeyay mooye qof asagu tagay ama waalnaa oo iska tagay maaheyn, dadka qaarkoodna waxa ay magaalada galiyeen inuu waalnaa oo Mooto jug siisay, Mooto jug waa ay siisay lakiin nin caafimaad qabo ayuu ahaa oo reerihiisa dhaqanaya oo shaqadiisa og oo dantiisa yaqaano ayuu ahaa”

Ugu danbeyn Deeqo Axmed ayaa xustay inay jiraan in la soo wacay Gaashaanle Cabdi Cali Seed, waxa ayna sheegtay inaysan jirin wax is Daldalaad ah oo si ula kac ah loo dilay Gaashaanlaha.

” Madaxdu waa ogtahay wax is dilay majiraan waa la soo wacay oo waa loo sheegay in la xirayo gurigana laga dumoinayo oona caruurta lagu laynayo,waana la baaraya oo waa lagu daba jiraa, marka wax is daldalaad ah majiraan waa nin si ula kac ah loo dilay”

G

Mawduucyada:Banaadir