U bood dhigaalka

Xaaska Madaxweynihii Hore Ee Pakistaan Oo Noqotay Xildhibaan

Sheeko:Dalka

Natiijooyin aan rasmi aheyn  ayaa waxay daaha ka rogeyn in ay ku guuleysatay Kaltuuma Nawaaz oo ah  xaaska ra’iisulwasaarihii hore  ee Bakistaan Nawaaz Shariif kursiga baarlamaanka ee gobolka Lahore.

Kaltuuma ayaa u tartantay kursiga xaaskeeda, kaasi oo xilka laga qaaday bishii Julay ay tagtay markii lagu eedeeyay in uu galay Musuq.

Warbixinno gudaha ah ayaa waxay sheegayaan in Kaltuuma ay ku guuleysatay codad dhan 61254,halka qofka la tartamayey uu helay 14188 cod.

Kaltuuma ayaa hadda waxaa lagu daweynayaa magaalada London iyada oo qabta cudurka Kanserka, waxaana ololaha doorashada u waday inta ay maqneed gabadheeda Maryam.

Nawaaz Shariif oo ah ra’iisulwasaarihii ee dalkaasi ayaa xilka laga qaaday ka dib markii lagu soo eedeeyay falal la xiriira wax isdaba marin.