U bood dhigaalka

Xabad Joojin La Kala Dhex-dhigay Beello Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay xabad joojin kala dhex-dhigaan beello walaalo ah oo muddo isku hayey Tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa maanta waxa ay degmada Cadalle kula kulmeen waxgaradka beelihii dagaallamay.

Waxaa la isku raacay in xabadda la joojiyo islamarkaana wax walbo lagu dhammeeyo miiska wadahadalka bedalkii la dagaallami lahaa.

Nabadoon Mukhtaar Axmed oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog, in hadda ay isku diyaarinayaan wadahadallada nabadeed iyo sidoo Labadan beel u wada noolaan lahayd.

Beelahan ayaa is hayey muddo Labo sano ah, iyadoo dhowr jeer lagu guul darreystay in xaalkooda la xalliyo, hase ahaatee hadda nabadda ayeey wada aqbaleen.

Goobjoog News