U bood dhigaalka

Xabad Joojintii Magaalada Gaalkacyo Oo Burburtay Kadib Heshiiskii Shalay

Sheeko:Dalka

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay ka dhacayso galbeedka magaaladaasi rasaasta ay isku adeegsanayaan ciidamada labada dhinac ee weli isku horfadhiya duleedka Gaalkacyo.

Ciidamada Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa weli isku horfadhiya meelihii lagu dagaallamayay maalmihii dambe ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Waxaa maanta burburay oo fashil uu ku yimid heshiis ka kooban seddex qodob oo shalay ay wada gaareen odayaasha iyo culumada Galmudug iyo Puntland ayaa qodobka koowaad ahaa xabad joojin in lagu dhawaaqay balse ma aysan dhaqan gelin.

Gudaha magaalada ayaa laga maqlayaa dhawaqa hubka waa weyn oo dhanka galbeedka ka dhacaya.

Waxgarad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News inuu weli socdo dagaalka islamarkaana xabad joojintii ay burburtay.

Goobjoog News