U bood dhigaalka

Xabadjoojinta Yemen oo Bilaabatay iyo Cabsi Laga Qabo in ay Burburto

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah u bilowday xabadjoojin shan maalmood ah oo ay Sacuudiga ku baaqeen dalka Yemen si howlaha banii’aadamnimo loo dardargaliyo.

Golaha Amaanka ayaa soo dhaweeyay Xabadjoojinta iyagoo ugu baaqay labada dhinac ee Sacuudiga iyo Xuutiyiinta in tixgaliyo xabadjoojinta.

Dalka Sacuudiga ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaaradihiisa dagaalka ay diyaar u yihiin jawaab degdeg ah haddii Xuutiyiinta ku tuntaan xabadjoojinta.

Qaxooti Soomaali ah ayaa ku xayiran dalka Yemen, lamana oga in dowladda Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto xabadjoojinta 5 maalmood ah si qaxootiga uga soo daadguresyo Xeryaha Yemen.

Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaaday in dadkaasi soo daadgureyn doonto balse balanqaadkaas waxba kama fulin.