U bood dhigaalka

Shuban Biyood Ka Dilaacay Xabsi Dhexe Ee Burco Oo Ay Ku Xiran Yihiin 500 Maxbuus

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Togdheer ayaa sheegaya in xabsiga dhexe ee maagalada Burco uu ka dilaacay shuban biyood, 2 ruux ayaa ilaa hadda ugu dhimatay shuban biyood.

 

In ka badan 50 qof ayaa la sheegayaa sidoo kale in xanuunka uu hayo, waxaa kale oo dadka xanuunsanaya ku jira ilaalada xabsiga.

 

Illaa 500 oo maxbuus ayaa ku xiray xabsiga Burco, lama oga sida xaaladdu tahay, laakin waxaa saaka la fiayaa in dhakhaatiirta ay soo saaraan warbixin faah-faahsan oo arrinkaas la xiriirta.

Goobjoog News