U bood dhigaalka

Xabsiga Godka Jilacow Oo Loo Badalay Akaademiyad Tababar

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga gudaha ayaa albaabada isugu dhufatay xabsiga godka Jilacoow, waxaana loo baddalay akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka loogu siiyo shaqaalaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale  oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in goobtaas fikirka xun laga aaminsanaa la xiray.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale  oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri“Halkan aan fadhinno waa meeshii la dhihi jiray godka Jilacow, marka sidaad ula socotaan wasaaradda amniga gudaha iyo xukuumadda waxaa ay wadey isbadal, kaas oo ku saabsan dhanka nabad sugidda, ciidamada nabad sugidda dhow bil ka hor waxaan ka dhignay hubka, inta badan waxaan ku wareejinay booliiska Soomaaliyeed, sidoo kale halkan aan joogno oo horay loo dhihi jiray godka Jilacow waxaa ay ahaan jirtay xabsi lagu xiro dadka, marka cabasho nooga timid umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa ay wasaaradda amniga iyo xukuumadda garteen in meeshan xabsiga laga badalo, oo loo badalo goob ay ku bartaan ciidamada nabad sugidda, tababar ku qaataan, sidoo kale la baro, la dhaqanka bulshada ama  xuquuqul insaanka, magaca cusub ee loo bixiyey waa xarunta Jilicow, halkan fikir cusub ayaa laga heystay oo ah in godka Jilacow dadka lagu dhibaateeyo, marka meesha waan ka saarnay, qofkii la xiro hadda kadib labo meel ayaa laga raadin karaa, waa saldhigyada booliiska iyo xabsiga dhexe, sidoo kale nabad sugidda waxaa ay xaq u leeyihiin in qofkii ay soo qabtaanin 48 saac ku heystaan barista xarunta xisbiga, wixii intaas kadibna soo xalaaleystaan ama sharciga u maraan, maanta laga bilaabo halkan waa xerada Akaademiyadda Jilacow”.

Xariga xabsigan waxaa uu imaanayaa iyada oo hey’ado badan ay horay u sheegeen inuu ka mid yahay xabsiyo dadka caqaabo.

Goobjoog News