U bood dhigaalka

Xadka Itoobiya Iyo Eritrea Oo La Isu Furay

Sheeko:Caalamka

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya  Abiy Axmed  iyo Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay dib u fureen xadka labada dal u dhaxeeya taaso oo ah waddo ay isticmaalaan isku socdka dadka iyo gaadiidka ee labada dal.

Waa markii ugu horreysay oo dib loo furo xadka labada deris kadib dagaal socday Muddo 20 sano ah Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa sidaasi ku sheegay Twitter-ka.

Labada hoggaamiye ayaa furay goobo muhiim ahaa, oo isku xira labada dal. Sidoo kale waxaa dhacaya xaflado arrintaas lagu maamuusayo.

Goobjoog News