U bood dhigaalka

Xafiis Loo Furay Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee ergada Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga.

Wasiir Axmed Cawad ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Xarunta Qunsuliyadda Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Jeddah, isaga oo kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay iyo adeegyada ay u fidiso Soomaalida ku nool dalka Sucuudiga.

Ururka Islaamka(Organazation of Islamic Conference): Waa urur ay ku midaysan yihiin in ka badan 57-dowladood oo dhamaantood Xubin ka ah Qaramada Midoobay, waxaa lagu Aas-aasay Magaalada Rabaadh ee Xarunta dalka Maroco 25-dii September 1969-kii.

Waxay qabtaa Shirar Madaxeedyo ay isugu yimaadaan madaxweynayaasha iyo Boqorada dalalka ururkaas Madaxda ka ah iyo waziirada Arimaha diabdda ah, waxaa uu ururkan leeyahay Gudiyo qaabilsan Qudus waayo Falastiin waa Qadaiyadda ugu muhiimsan ee ururka iyo Bank Islaami ah.

Goobjoog News