U bood dhigaalka

Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Dalka Oo Shaqo Bilaabay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Sheekh Ismaaciil “Xaliimo Yarey”ayaa  daah-furtay markii ugu horreeysay furay diiwan galinta KMG ah ee Xisbiyada siyaasadda dalka.

Guddiga ayaa khamiistii, waxaa uu soo bandhigay foomamka diiwaan galinta KMG ah, iyada oo ay goobta joogaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Sheekh Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in diiwaan galinta KMG ah  la daah furay ay fursad badan siineyso xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Diiwaangelinta ee guddiga ayaa u sharaxay xisbiyada goobta joogay habka iyo hannaanka ay isku diiwaan galinayaan, waxaana jiray su’aalo iyo talooyin ay xisbiyadu u jeediyeen guddiga,  hase ahaatee masuuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa u sheegay xisbiyada in wax waliba uu Dastuurka faahfaahinayo, iyaguna ay hirgalin doonaan.

Guddoonka xisbiyada qaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in guddigu uu qaaday talaabo muhiim ah oo muujineysa in looga gudbi karo nidaamka hab qeybisag ee hadda lagu shaqeeyo.

Guddiga doorashada ayaa waxaa uu wadaa olole ballaaran oo la xiriira sidii dalka doorasho qof iyo codkiisa ah uga dhici laheyd 2021ka.

Wararka arrimahan ku saabsan oo Faah-faahsan, Kala soco Goobjoog News