U bood dhigaalka

Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaadda Dalka Oo Maanta La Furay

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiiska diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda ee dalka, kaasi oo lagu diiwaangelinayo xisbiyada dalka ka jira.

Daah furka xafiiskan waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha guddiga doorashada madaxa banana Xaliimo Ismaaciil iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay in shaqada xafiiskan uu yahay kaliya inuu diiwaangeliyo xisbiga, waxayna noqon doontaa diiwaangelinta mid KMG ah.

“Umadda Soomaaliyeed ee meel walbo joogto waxaan u sheegayaa inuu maanta uu u furan yahay xafiis ay iska diiwaangelin karaa haddii ay rabaan in xisbi ay furtaan, diiwaangelintaasi oo ah midda KMG, waxay KMG u tahay ayaa ah wuxuu xisbiga soo gudbin doonaa wixii sharciga uu farayo ee la saaray, kaas ayaa Hal Hal loo baaraa, xisbigii ku guuleysta oo imtixaankaasi ka baxa ayaa mar Labaad si rasmi ah loo diiwaangelinaa, xisbiyadaasi ayeeyna noqon doonaan kuwa siyaasadda Soomaaliya ku hardami doona” ayeey Tiri Xaliimo Yarey.

Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha xafiiskan oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in wada shaqeyn ay dhexmarto xafiiskan iyo sidoo kale madaxda xisbiyada, wuxuuna mar uu soo hadal qaaday shuruudaha xisbiyada laga doonayo uu tilmaamay in taasi ay ku qoran tahay sharciga xisbiyada ee baarlamaankii 9-aad meelmariyey.

Dalka ayaa hadda u gudbaya nidaamka xisbiyada, iyadoo 4-sano kadib la rajeynayo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News