U bood dhigaalka

Xafiiska UNSOM oo War Ka Soo Saaray Hadalkii Xaliimo Yarey

Sheeko:Baarlamaanka

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil  Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ay ku shaacisay nooca Doorasho  Dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga Doorasho toos ah oo Soomaaliya ka Dhacda horraanta Maarso 2021.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021”

Xafiiska  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku  boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubna.

Goobjoog News