U bood dhigaalka

Xafiiskii Dhul Bixinta Baladweyne oo Dib Loo Furey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

baladWaxaa maanta markii ugu horeysey dib loo furey xafiiskii dowladda hoose ee dhul bixinta ee Baladweyne, waxaana Radio Goobjoog la hadlay agaasimaha waaxda dhulbixinta Hiiraan Xuseen Maxamed Siidoow.

Xuseen ayaa sheegey in ay dadka ku wargalinayaan in wixii maanta ka biloowda uu xafiiska furanyahay, iskana soo diiwaangaliyaan si dhulka dadka ay degenyihiin loo sharciyeeyo.

Wuxuu si gaar ah ola hadlay dadka degen dhulka obosiibada ah ama la’iska dagay iyada oo aanan sharciga loo heysey, wuxuuna xusuusiyey in qofkii isa soo diiwaangalin weysa dhulka ay degentahay ay dowladda la wareegeyso.

“Dhulka qorshe ayaan u samaynay, wadooyin ayaan u jeexeynaa, meelo danta guud ayaa loo baahanyahay, sidaasi darteed waa in dadka isa soo diiwaangaliyaan si hawlaha qorsheynta loo fulin karo” ayuu yiri Xuseen.

Tani waxa ay ka mid tahay talaabooyinka nidaamka dowliga ah lagu gaarsiinayo dadka intiisa kale, waxaana muuqata in si tartiib tartiib ah loo unkayo adeegyadii dowladeed, loona soo celinayo sharcigii iyo kala dambeyntii kadib muddo 20 sano ah oo uu dalka burbur ku jirey.

Dhageyso

Goobjoog News