U bood dhigaalka

Xafladda Gebagabada Kadib, Akhiriso Shaqada Hortaalla Aqalka Sare Kalfadhiga Soo Socda

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka Sare, waa aqal cusub oo ku soo biiray baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, hadda waxaa u dhammaaday hal kalfadhi, waxaa ay sameeyeen hey’adihii iyo guddiyadii loo baahnaa in uu golahan yeesho.

Xalay waxaa xarunta aqalka sare lagu qabtay xaflad gebagabo ah, waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaaraha xukuumadda Xasan Khayre, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale.

In kasta oo guddoomiyaha golaha shacabka Jawaari uu xafladda ka sheegay in si ay isugu soo dhawaadaan labada labada gole loo baahan yahay 15-kii maalinba ay mar kulmaan, laakin lama oga sida arrintaas u fuli doonto, waxaa kale oo aan la ogeyn ajendayaasha ugu horreeya ee labada dhinac hor-yaalla.

Markii golaha aqalka sare ee baarlamaanka 10aad la dhisayey dad badan ayaa ku doodayey in aqalkan aan loo baahneen, oo waqti iyo hanti lumis uu yahay iyo in uu keeni doono muran badan oo goloyaasha ah iyo dowladda ah, shakigaas oo aan weli bixin.

Inta aanu kalfadhigii 1aad dhammaan, waxaa la rabay in ay ka hadlaan arrimaha dastuurka, Kheyraadka, Miisaaniyadda iyo Xuduudaha iyo arrimo kale, laakin taasi ma dhicin.

Waxaa kale oo golaha ka dhimman xafiisyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xogheynta joogtada ah, lama oga tirada shaqaalaha ay u baahan yihiin, waxaa kale oo lagu eedeeyay in wax walbo ay ku qeysadaan 4.5!

Golaha aqalka sare, waxaa laga sugayaa in uu dejiyo Istaraatiijiyadda uu ku shaqeyn lahaa muddada soo socota iyo shaqada ay tahay in la qabto iyo in guddiyada laga shaqeysiiyo oo ay ku jiraan guddiga dastuurka.

Shaqada Laga sugayo kalfadhiga soo socda waxaa ugu muhiimsan:

Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:

  1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka.
  1. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah.
  1. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka.
  1. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta.

5. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Aqalka sare, waxaa laga maarmaan ah in uu muhiimadda saaro arrimaha isku soo dhaweyn kara maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe sida federaalism-ka, xuduudaha iyo kheyraadka, arrimahaas oo wax weyn u tareysa umadda.

Akhris: Shaqada Aqalka sare Ee Kalfadhiga 1aad

Goobjoog News