U bood dhigaalka

Xajka: Dhimasha Xujeyda ee Dhagaxtuurka oo Sii Kordheysa

Sheeko:Dalka

Dhimashada Xujeyda ayaa kor u dhaaftay 717 qof halka dhaawaca uu ka badan yahay 800 oo qof sida ay ku waramayaan Wasaaradda arimaha gudaha dalka Sacuudiga.

Dhibaatada ayaa ka dhacday Caqaba iyo Dhagaxtuurka iyadoo dadka is buurteen ama is dul fuuleen halka ay iska gooyaan Labada Waddo 204 iyo 223.

Isla Xajkan waxaa ku dhintay 109 qof kadib markii uu ku soo dhacay Wiish horaantii bishan iyadoo dadkaas ay Boqortooyada siisay Lacag Magdhaw ah.

Markii ugu dambeysay ee dhibaato noocaan oo kale ay dhacdo waxaa ay aheyd 2006-dii, waxaa Maalintaas dhintay 346 qof.

Dalka Sacuudiga ayaa hay’adiisa difaaca Madaniga waxaa ay sheegeen in halkaas u direen in ka badan 400 oo shaqaale si dadka loo badbaadiyo xilli daqiiqad walba ay sii kordhesyo dhimashada.

Warbaahinta Caalamka iyo dhamaan baraha lagu sheekeysto ayey hadal heynta noqotay Geerida Xujeyda, dadka Muslimiinta ayaa aad uga naxaya dhibaatada ka dhacay Caqaba ee Magaalada Barakeysan Makka.