U bood dhigaalka

Xal Loo Raadinayo Khilaaf Ka Dhashay Doorahooyinkii Ka Dhacay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in dedaal  ay u geli doonaan xal  ka gaarista khilaafka ka dhashay doorashada aqalka hoose ee ka socota Magaaladda Baydhabo.

Gudoomiyaha Guddigaas C/risaaq Barre Jaamac  ayaa u sheegay Goobjoog News in maanta oo Arbaco ah magaalada Baydhabo ay kula kulmi doonaan beelaha qaar ee tabashooyinka qaba.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in  intooda badan ay ku guulaysteen xal ka gaarista  tabashooyin badan  oo ay qabeen beelaha qaar.

“Waan baareynaa khilaafyada, waxaan rabnaa inaan diyaarinno ilaa Saddex Kiis oo halkaan ka dhacay, cabashooyinka nasoo gaarey ee soo dhameystiray shuruudihii loo baahnaa waa illaa iyo 11 casbasho, 4 kamid ah waa la xalliyey, Lix kalena saakay ayaan ku ballansannahay inaan eegno” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa jira musharraxiin iyo sidoo kale waxgarad sheegay in ay ku adagtahay iney tagaan meelaha ay joogaan guddiga doorashada si haddii ay qabaan cabasho ugu gudbiyaan guddiga xalinta iyo dadka ku shaqada leh, sidaasi darteed guddoomiyaha ayaan weydiinnay waxa ay arrimahaasi kala socdaan.

“Odayaasha iyo musharraxiinta waxay aad uga cabanayeen iney ku adagtahay in goobihii doorashada ka dhaceysay ama guddiyada doorashada joogeen gelistooda iyo tagitaankoodii aad ugu adag tahay, taas oo aan garan karno, sabab macquul ah leh oo ammaanka, feejignaan iyo taxadar badan u baahan, laakiinse maanta qorshaha ayaa inoogu jiro in la helo hannaan dadkaan ay ugu suurtogelayso iney helaan dhaq dhaqaaq xor ah oo maarkii ay waxtabanayaan soo noqnoqon karaan”

Waxaa jira dacwado badan  oo loo gudbiyey guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban, taas oo ay gudbiyeen xubno u muuqdo iney saluugsan yihiin hannaankii loo doortey xildhibaannada aqalka hoose qaarkood.

Goobjoog News