U bood dhigaalka

Xalane Oo Aan 5 Maalmood Loo Shaqo-tagi-doonin, Baaritaan Iyo Diwaan-gelin Ayaa Soconaya

Sheeko:Dalka

AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegay in dhammaan wax alle wixii shaqo ah oo ka socday Xalane la joojiyay maalmaha 9-13, November 2017-ka.

Qoraalka Waxaa Ugu Muhiimsanaa: 

  1. AMISOM waxaa ay sheegeysaa in baaritaan xagga amaanka la xiriira ka sameyn-doonto Kaamka 5-taas maalmood, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints.
  2. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Kaamka laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, Airportiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga.

Inta uu bandowga ama howlaha ammaanka socdaan waxaa safaaradaha, shaqaalaha Ajaanibta, qandaraaslayaasha, shirkadaha, dukaanleyda lagu war-gelinayaa:

  • In ay xisaabiyaan gawaarida(yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Kaamka, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka.
  • Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaadada ( good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan
  • Hotellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha , qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah.
  • Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo.
  • Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa.
  • Cadeyn ka keen Unifomka, IDyada iyo qandaraaska kaas oo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan.
  1. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah.

Qoraalkan waxaa lala socod-siinayaa oo la geeyaa Sector 1 gaar ahaan xafiiska sirdoonka, inta uu socda bandawga.

Dhammaan dadka howshan ay khuseyso, waxaa lagu wargelinayaa in ay u hogaansamaan maadaama aan shaqaale iyo gawaarida xamuul aan la ogolaan-doonin dhammaan waddooyinka ama ka baxa Kaamka.

  1. Shaqada waxaa ay dib u bilaaban doontaa 13-ka November marka dib u eegis lagu sameeyo in shaqada lagu guuleystay.

Goobjoog News: