U bood dhigaalka

Xaliimo Yareey Oo Shaacisay Waqtiga La Qabanayo Doorashada Kursi Ka Bannaan Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyina qaranka ayaa sheegay in 15-ka bishan ay degmada Dhuusamareeb ku qaban doonaan doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddigan Xaliimo Ismaaciil Yarey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kursigan laga soo dooranayey Galmudug, uuna ka dhintey Marxuum Bootaan.

Waxa ay Xaliimo Yarey ka dalbatay cid walbo doorashadan quseysa in ay kaalin ka qaadato sidii si nabad ah doorashadan ay ugu dhici lahayd.

“Waxaan rabnaa inaan qabanno doorashadi ku celiska ahayd ee kursigii ka banaanaday deegaan doorashada Galmudug ee golaha shacabka uuna ka dhintay marxuum Bootaan, waxaan ogeysiineynaa musharraxiinta, ergada, odoyaasha ka mas’uulka ahaa, waxaan ka codsaneynaa maamulka Galmudug sidii uu warqadda noogu soo qoray Madaxweyne Xaaf oo ahayd uu naga codsanayey inaan doorashada qabanno, kuna qabanno Dhuusamareeb, 12-ka bishan waxaa la geli doonaa safarka, ergada inta joogta waa la qaadi doonaa, kuwa xagga joogana waa in ay diyaar garoobaan, doorashadana waxaana la qaban doonnaa 15-ka bishan”

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa wada dhammeystirka kuraasta ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News