U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey “Annaga Howsheena Waa Inaan Ka Shaqeynaa Doorasho Qof Iyo Cod Ah”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay warar soo baxayey oo sheegayey in guddigooda laga wareejiyey shaqada howlihii doorasho ee dalka, maadaama dhawaan la magacaabay guddi doorasho.

Waxa ay sheegtay in guddigooda uu yahay midka ka shaqeynaya doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Waxay tilmaantay in dadka qaar ay isku qaldaan shaqooyinka guddiyadan, waxayna sheegtay in iyagu ay si sharci ah ku yimaadeen.

“Waxaa aad looga hadlaa guddiga ma qabanayo doorashada oo waa laga qaaday, meello badan la dhahay guddiga waa la baabi’iyey, dadka waa in ay fahmaan, guddigan waa mid sharci ah oo doorasho loo doortay, doorashada loo doortay ma ahan middan dadban, annaga midda nalaga doonayo ayaa ah doorasho qof iyo cod ah, annaga waan joognaa, waan jirnaa, waxaan ka shaqeynaynaa waddankaan inaan doorasho gaarsiinno, bulshada Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay arrintaan nagala shaqeeyaan”

Waxaa sanadkaan 2016 suurta gal noqon weysay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse bedalkeeda ayaa la isku raacay in la qabto doorasho dadban.

Goobjoog News