U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey Oo Ka Hadashay Suurtagalnimada Doorasho Dalka Ka Dhacday 2020

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in uusan guddiga doorashada laheyn qorshe Labaad oo ka bedalan midka lagu ballamay ee ahaan in dalka laga sameeyo doorasho qof iyo cod ah

Iyadoo ka qeybgalaysayBarnaamijka Hiigsi ee ka baxa Idaacadda iyo Tv-ga Goobjoog ayey hoos u dhigtay shakiga dadku ka qabaan in ay dhici karto doorasho iyo inkale sanadda 2020-ka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa ay sheegtay in diyaar u yihiin waxyaabaha loo baahan yahay badankood si ay doorashooyin u dhacaan.

Jiritaanka heshiis siyaasadeed, diyaarsanaanta guddiga doorashada, diiwaangelinta xisbiyada iyo diiwaangelinta codbixiyaha oo ay billaabayaan ayey sheegtay in ay tahay calaamadaha muujinaya in doorashadu dhaceyso.

Waxey tilmaantay in ay jiraan degaanno badan oo soomaaliya ka mid ah oo ay doorashooyinka si nabadgalyo ah uga dhici karaan.

“Mar hore ayaan kasoo gudubnay su’aasha la xiriirta doorasho qof iyo cod ah madhici kartaa mise madhici karto, dadka Soomaaliyeed oo aan degaannadooda ugu tagnay waxey rabaan in ay doorasho dhacdo”

“Waxaan darasnay oo aan soo aragnay wadamo badan oo muddo aad u kooban markii ay colaado kasoo baxeen qabsaday doorasho, ma aha in aan sii taagnaano 18 sano kadib doorasho maqabsan karno ee aan odayaal ku noqonno”.Xaliimo Ismaaciil yarey ayaa sidaasi tiri.

Waxaay sheegtay in ay jiraan siyaasiyiin la qabsaday in kuraastooda ay odayaal u sahlaan kuwaas oo aan jecleysaneyn in ay doorasho qof iyo cod ah dhacdo.

“Soomaaliya waxaan qiyaaseynaa in aan ugu yaraan diiwaangalin karno 3 Milyan oo cod bixiya, marka iyadoo tii hore ay codeeyeen 14 kun hadaan hiigsigaas gaarno waxaan u aragnaa in ay tahay isbadal weyn marka hore waxaan horta rabnaa in iska gooyno qufulka ah doorasho lama sameyn karo “

Guddoomiye Xaliimo waxaa kale oo ay ka hadashay doorka Guddiga Doorashada uu ku leeyahay doorashooyinka ka dhacaya dowlad Gobaleedyada.

Waxey sheegtay in ay jiraan cillado dastuuri ah oo ka dhexjira Labada heer dowladeed ee federalka iyo dowlad gobaleedyada iyadoo tusaale usoo qaadatay in dastuurrada dowlad gobaleedyada qaar ay mas’uuliyadda doorashooyinka saaraya cid aan aheyn guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran oo sharci ahaan ka masuul ah dhammaan doorashooyinka qaran.

“Hadda waxaan xoogga isugu geynay doorashada 2020ka, marka awooddeenna shaqo ayaan hadda noo saamaxeyn in aan kahadalno doorashada gobalada ayey”

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeysay in guddiga doorashada uu kamadax bannaanyahay siyaasiyiinta.

“Dhamaan siyaasiyiinta kuwa jooga iyo kuwa kale waa noo simanyihiin, dhammaantood ayaan dooneynaa in aan noqonno kuwa firimbiga u haya ee tartansiinaya”.

Axmed C/raxman Cumar

[email protected]