U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey Oo Warbixin Siisay Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada qaranka Xaliimo Ibrahim Yarey ayaa maanta  aqalka sare ka hor akhrisay warbixin ku saabsan wax-qabadka doorashada.

Warbixintan oo horay guddiga u hor dhigay golaha shacabka ayaa waxaa ay hambaarsan tahay talooyin muhiim ah sida:

  1. In La dhowro dastuurka sharciyada dalka u yaallo.
  2. In la siiyo guddiga doorkiisa dastuuriga ah isla markaana la baabiyo guddiyada aan dastuuriga aheyn.
  3. In Guddiga la siiyo taageero dhaqaale oo ku filan, oo lagu laabto miisaaniyadda guddiga 2016-kii
  4. In hey’adaha dowladda ay ku taageeraan guddigan gudashada waajibkiisa.
  5. In la dhameystito sharciyada loo baahanyahay si doorasho loo qabto
  6. In Baarlamaanka uu guntado ka qeybqaadashada dowrka ka aadan xalinta caqabada kor ku xusan.

Magacyada Guddiga:

  1. Xaliimo Ismaciil Ibrahim-Guddoomiye
  2. Sayid Cali Sh. Maxamed-guddoomiye ku xigeen
  3. Saciid Xaashi Warsame-
  4. Maxamed Daahir Maxamed
  5. Maxamed Axmed Nur
  6. Khadiijo Cosoble Cali
  7. Xuseen Cabdi Aden
  8. Maxamed Xasan Tani
  9. Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir
  10. Dahir Mire Jibril- xoghayaha guud

Goobjoog News