U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey Oo Weli Rumeysan In Soomaaliya Ka Dhici Karto 2021-ka Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa waxaa ay waddaa olole lagu hubinayo in Soomaaliya ka dhacdo 2021-ka doorasho qof iyo codkiisa ah.

Khamiistii, waxaa ay hortagtay golaha wasiirrada si ay ugu qanciso in ay gacan siiyaan guddiga, iyada oo sheegtay in ay ka go’antahay sidii doorashadaasi u dhici laheyd.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, guddiga ayaa soo bandhigay qorshaha guud ee doorashooyinka, si qoto-dheerna uga warbixiyey horumarka ay ku tallaabsadeen ee ku aadan diyaargarowgooda, sheegeyna inay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Guddiga ayaa sheegay inay daraasad ku sameeyeen dalal badan oo duruufaha heysta ay la mid yihiin Soomaaliya haddana ay doorashooyin ka qabsoomeen. Guddiga ayaa sheegay inay jiraan caqabado fara badan, kana codsaday in Golaha Wasiirada ay xal u helaan caqabadahaas oo ay ka mid yihiin tan dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka. Golaha Wasiirada ayaa Guddiga ku ammaanay dadaalkooda una ballanqaaday inay u fududeyn doonaan howlahooda si dalka looga hirgeliyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah 2020ka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) oo horay wareysi gaar ah u siisay Goobjoog News ayaa sheegtay caqabadaha hor-taagan in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020-ka.

Halkan Ka Akhriso: Xaliimo Yarey Oo Sheegtay 21 Caqabad Oo Hor Taagan Qabsoomidda Doorasho Qof Iyo Cod Ah 2020-ka

S doorasho qof iyo cod ah u dhacdo waxaa uu baahan yahay tillaabooyin badan oo la qaado, waxaa ka mid ah:

Halkan Ka Akhriso, Warbixinno ay Goobjoog News ka qortay arrimaha doorashada 2021-ka

Akhri: 8 Sharci Oo Ansixintooda Ku Xiran Tahay Doorashada Ka Dhaceysa Soomaaliya 2021-ka

Akhri, sidoo kale: 7-dan Hab Midkood Ayey Noqon Doontaa Doorashada Soomaaliya 2021-ka

 

Arrimaha ku saabsan doorashada 2021-ka si gaar ah ula soco Goobjoog News