U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey “Shaqo Badan Ayaa Ka Horreysa Inay Dhacdo Doorasho Qof Iyo Cod Ah”

Sheeko:Dalka

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Oo Sheegay In Shaqooyin Badan Ka Horreeyaan Doorasho Qof Iyo Cod Ah Oo Dalka Ka Dhacda

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in ay adag tahay in doorasho cod iyo qof ah ay dalka ka dhacdo haddii aan la qaban howlaha loo baahan yahay.

Guddoomiyaha Guddigaas Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa sheegtay in dalka uu dib u dhac ku yimid taas oo la xiriirta in doorasho cod iyo qof ah aanay ka dhacaynin, balse loo diyaarinayo Afarta sano ee soo socota kadib.

Waxay sheegtay in guddigeeda ay u taallo shaqo badan oo ku aadan qaabka ay u dhacayso doorashada cod iyo qof tusaale ahaan tirada la diiwaangaliyay haddii ay hadhow badato ama  ay ka yaraato.

“Shaqooyin badan baa ka horreeya in dalku gaaro doorasho cod iyo qof ah, waxaana la rabaa in la helo tirakoobka dadka iyo in la ogaado sanad walba maxaa yeelay qof ayaa dhiman kara, mid ayaa qaangaar noqon kara” ayay tiri Xaliima Yareey.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxabannaan Xaliima Ibraahim ayaa sheegtay in ay sameyn doonaan hirgalinta xisbiyada afarta sano kadib 2020-ka markii la gaaro ay uga qeyb qaataan doorashada.

Waxay kaloo tilmaamtay in xisbiyada dhisan iyo kuwa dhismaya ay ku kala saarayaan sharciga si loo xaqiijiyo in xisbiyo sharciga u hoggaansan ay doorashada uga qeyb galaan.

Goobjoog News