U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey“Si Waajibkeena u Gudunno Waxaa Ka Faa’ideysan Doonnaa Taageerada iyo Wada shaqeynta Dhamaan Dadka ay Shaqada nagala Dhaxeyso”

Sheeko:Dalka

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta ku sheegay in howshooda u gudan doonaan si sharaf iyo karti ku jirto.

Guddiga waxaa uu intaa ku daray in hay’adani ay tahay mid madaxbanaan, kuna shaqeyn doonta sida uu qabo dartuurka Qabyo qoraalka ah ee dalka, sharciga Guddigan waxaa uu Baarlamaanka ogolaaday Bishii February ee sanadkan.

Guddigan ayaa ka kooban sagaal xubnood sida:

Xaliimo Ismaciil Ibrahim Yarey-Guddoomiye

Sayid Cali Sheekh-Gudd. Ku Xigeen

Xuseen Cabdi Aden

Maxamed Dahir Maxamud

Cabdiraxman Cusmaan Dirir

Maxamed Xasan Tani

Maxamed Axmed Nur

Khadijo Cosoble Cali

Saciid Xaashi Warsame

Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Yarey waxaa ayaa war saxaafadeedka ku sheegtay”Inkastoo Dastuurka lagu sheegay in aanu Madax Banaanahay hadana waxaan aqoonsanahay si waajibkeena u guduno in aan ka faa’ideysano taageerada iyo Wada shaqeynta dadka doorashada ku lugta leh, marka aan shaqada bilaabeyno waxaa jecel nahay in aan la tashano xubnaha ku shaqada leh howsheena sida ururada Siyaasadeed, bulshada rayidka ah, haweenka, dhalinyarada iyo Gobolada”.