U bood dhigaalka

Xalinta khilaaf soo dhex galay maamulka Hiiraan oo laga wado Beledweyn

Sheeko:War
beled
Beldweyn

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Beledweyn ka wada dadaalo lagu dhex dhexaadinayo maamulka degmada Baladweyn oo khilaaf uu soo kala dhex galay.

Guddoomiye ku xigeenka magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan Cabdikariin Shire Cali oo taleefoonka ugu waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in xildhibaanadu ay soo gaareen magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, hase ahaatee aysan jirin in khilaafka ay kala hadleen maamulka degmada Beledweyn .

Cabdikariin Shire Cali ayaa xusay in khilaafkan uusan ahayn mid gaarsiisan halka ay dadku gaarsiinayaan waxaana uu tilmaamay in maamulku uu wato howlihiisa shaqo isaga oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee gobolka Hiiraan.

Hoos ka dhageyso Codka Cabdikariin Shire Cali: