U bood dhigaalka

Xamse Cabdi oo Ku Shaqo Bilaabay Xafiiska Ra’iisulwasaare

Sheeko:War

Ra’iisullwasaaraha cusub ee xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiskiisa, kadib markii shalay uu xilka kala wareegay Ra’iisulwasaarihii ka horeeyay  Maxamed Xuseen Rooble.

Xamse ayaa dhowaan waxaa lagu wadaa inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada cusub, waxaana ay aheyd 25-kii bisha markii golaha shacabka ay siiyeen codka kalsoonida, waliba si aqlabiyad leh, Barre ayaa waxaa hor taalla shaqo adag.

Shaqo bilaabista wasiirka koowaad ee xukuumadda fedralka ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dalka ay ka jirto abaar bahsan, waxaana dadku xilligaan ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha xilli laga cabsi qabo dilaacista macluul.

Goobjoog News