U bood dhigaalka

Xaqiiqo: C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Itoobiya

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa qiratay in ay Muqdisho ay u soo gacan gelisay Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Dr. Negeri Lencho Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiy oo la hadlau Laanta Afka Amxaariga ee Idaacada VOA, isagoo xusay in tallaabada ninkaas loogu soo gacan geliyay ay qeyb ka aheyd heshiis u dhaxeeya dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli arrinkaasi kama hadlin, iyada oo kol sii horeysay arrinka ku sheegtay mid xasaasi ah.

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo la rumeysan yahay in uu ku jiro gacanta Itoobiya sida ay Goobjoog News u sheegeen ONLF keliya ma aheen hoggaamiye jabhadda ONLF ee waxaa uu ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog  News