U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab Oo Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Ka Wadda Deegaannada Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa ka warbixiyey waxa ay kala socdaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Al-shabaab ka wadaan deegaanno ka tirsan maamulkaasi

Wasiirka Amniga maamulkaasi Cismaan Ciise Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay wax badan ka ogyihiin dhaq-dhaqaaydan ay Al-shabaab ka wadaan deegaannadooda.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in ciidamada ammaanka ay ku bixi doonaan dhammaan deegaannada Al-shabaab ay weli kaga sugan yihiin Galmudug, ayna doonayaan in markaan ay soo afjaraan Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nimankani dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan waan la soconnaa, waxaana keenaya awoodda iyo culeyska la saaray, waana la soconnaa meel walbo oo ay is uruursi ka wadaan oo deegaannadeenna ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Sidoo kale Wasiir Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee ku sugan dhanka Galmudug ay kala hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen sugidda amniga oo ay ula socon lahaayeen dhanka Xeebaha oo dhowr jeer ay isaga gudbeen Xarakada Al-shabaab.

Dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay ka dhaceen deegaanno ka tirsan Galmudug.

Goobjoog News