U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab Oo Dhinac Ka Maamulaysa Deegaanka Leego

Sheeko:Dalka

Maalintii shalay ahayd waxaa deegaanka Leego ee gobalka Shabellaha Hoose ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya deegaankaasi waxa ay sheegayaan in xaalad ahaan ay ka yara degan tahay sidii shalay, maadaama lagu dagaallamayay halkaasi muddo ka badan Lix Saacadood.

Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Leego oo ka gaabsaday magaciisa ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in Al-shabaab ay qeyb ka joogaan deegaankaasi, waxaana sidoo kale halkaasi ku sugan ciidamada AMISOM.

Shacabka ku dhaqan deegaankaasi ayaa bilaabay barakaca iyaga oo ka baqanaya in dushooda lagu dul dagaallamo.

Mararka qaar waxaa Leego laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo dhacaysa, iyadoo inta badan deegaankaasi ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News