U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay dilka Saada Cali Warsame

Sheeko:War

shabab

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka maanta Muqdisho loogu geystay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ay dabley hubeysan ku toogteen meel u dhow hotel Ambasador.

Sarkaa ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afkooda in dagaalyahanno u daacad ah iyaga ay khaarijiyeen fanaanadii hore Soomaaliya Saada Cali Warsame.

Wararku waxay sheegayaan in kooxda dilka geysatay ay gaari ku hor gooyeen baabuur ay saarneyd xidhibaanadda , kadibna rasaas ku fureen agagaarka taree piano ee wadada makka-al-mukaramah. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale goobta uu ku dhintay darawalkii gaariga u waday.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa wal-wal laga muujinayaa, waxaana saaka isla degmada Hodan gaar ahaan suuqa Khaadka waxaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo lagu warramay uu ilaalo u ahaa xubin kamid ah maamulka degmada Hodan.

Saada Cali Warsame ayaa ku biireysa xildhibaano hore loogu dilay Muqdisho tan iyo markii 2012-kii lagu aasaasay baarlamaanka cusub magaalada Muqdisho.