U bood dhigaalka

Xarakada Alshabaab Oo Ku Qaarajisay Laba Askari Gudaha Xabsi Ku Yaalla Dalka Kenya

Sheeko:Amniga

Xarrakada Alshabaab ee saldhiggeedu yahay dalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar ku qaadday saldhigga boliiska ee Dadajabula oo ku yaalla Koofurta magaalada Wajir ee dalka Kenya.

Qof ka tirsan maamulka Wajir ayaa u sheegay The Nation in dableydu ay kusoo weerareen saldhigga hub culus oo ay ka mid yihiin kuwa garbaha laga rido. Sarkaal ka tirsan dowladda Kenya oo magaciisa qariyey sababo la xiriira inaan loo oggoleyn la hadalka saxaafadda ayaa sheegay in weeraryahannadu ay xoog ku galeen saldhigga kaddib markii laba xubnood oo Xarrakada ka tirsan lagu soo xiray saldhigga.

War kasoo baxay boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in saldhigga ay ku xirnaayeen laba ka tirsan dagaalyahannada waxayna doonayeen inay badbaadiyaan. “Weerarka ujeedkiisu wuxuu ahaa in Alshabaab ay badbaadiyaan laba qof oo argagixisannimo lagu tuhunsan yahay oo ku xirnaa xabsiga” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan boliiska dalka Kenya ee magaciisa qariyey.

Boliiska dalka Kenya ee saldhiggaas ku sugnaa ayaa uga jawaabay weerarka hub culus waxayna dadka deegaanku sheegeen in dhawaqa rasaasta uu socday mudda 20 daqiiqo ah. “Israsaaseyn culus ayaa laga soo warinayaa Dadajabula, Koofurta Wajir, hub culus ayaa la adeegsanayaa iyadoo ciidamada ammaanku oo ay ka mid yihiin militeriga” ayaa lagu yiri war kasoo baxay boliiska Kenya.

Markii rasaastu istaagtay, weeraryahannadu waxay dileen labadii qof ee xabsiga ku jiray ee la tuhunsanaa iyo laba sarkaal oo Kenyan ah iyadoo askari kale la dhaawacay. “Waxaan tuhunsannahay in weeraryahannadu ay xabsiga ku dhex dileen dadkii la tuhunsanaa si aysan uga fakan xog ku saabsan Alshabaab,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay boliiska Kenya.

The Citizen.