U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab oo Mar Kale Gaarisa Weerartay

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay Wargeyska Standard ee kasoo baxa dalka Kenya, Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramay inay labo saacadood la hadleen jameecada masaajid ku yaalo magaalada Garisa ka hor intaysan duurka galin.

Khudbadda ayey Al-shabaab ku weerareen mas’uuliyiinta dalka Kenya iyagoo dadkii goobta joogay uga digay in ay war siiyaan hay’adaha Amaanka.

Raggan hubeysan oo lagu qiyaasay ilaa 25 ayaa la rumeysan yahay in ay ka mid yihiin dadkii weeraray Jaamacadda Garisa April 2, 2015:

Sooyaalka Qaraxyada Kenya:

7 August 1998: 213 qof ayaa Nairobi ku dhimatay oo ku jiraan Askar, Sirdoon iyo shaqaale Mareykan ah, 11 kale ayaa ku dhinat Daru salaam, dhaawaca aad ayuu u badnaa.

21 September 2013: Westage Mall, weerar lagu qaaday waxaa ku dhimatay in ka badan 67 qof, in ka badan 200 ayaa ku dhaawacantay.

2 April 2015, Dabley ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ee magaalada Garissa, Kenya,waxaa ku dhintay  150, waxaa ku dhaawactay 79 qof.