U bood dhigaalka

Xareed Cali Xareed: Waxaan Diyaarineynaa Guddiga Doorashada Galmudug

Sheeko:War

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ay diyaarinayaa guddi doorasho madaxweyne.

Waxa uu sheegay Xareed in tillaabadii shalay ay Kalsoonida ugala laabteen madaxweyne Guuleed ay tahay mid saxan sidaasi darteedna ay dooran doonaan madaxweynihii bedali lahaa C/kariin Guuleed.

“Waxaan hadda diyarineynaa guddiga doorashada Galmudug, waxaan rabnaa inaan horey usii amba qaadno howlaha doorashooyinka maadaama shacabka inaga sugayaan shaqooyin badan” ayuu yiri Xareed Cali Xareed.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug mar wax laga weydiiyey in ay doonayaan iney isku biiriyaan baarlamaanka Galmudug iyo midka maamulka Ahlu-sunna ayuu waxbo kama jiraan ku sheegay.

“Maya lagama yaabo in Labo baarlamaan isku tagaan, laakiinse waxaan u sheegayaa Ahlu-sunna in dowladda cusub ay fursado badan uga baanaantahay dhanka awood qeybsida” ayuu yiri Xareed.

Xildhibaanno kulan ku yeeshay Cadaado ayaa sheegay in kalsoonida ay kala laabteen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, xilli baarlamaanka maamulkaasi uu fasax ku jiro.

Goobjoog News