U bood dhigaalka

Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Madaxda Dowladda Ka Dalbaday In Kaalin Wanaagsan Ka Qaataan Horomarka Guulaha Xulka

Sheeko:Cayaaraha

Xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxda xulka qaranka,isagoo safka xulka kusoo biiray tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo ku nool qurbaha,iyagoo kaashanaya ciyaaryahanada gudaha waxayna arintaas keentay in xulkeena oo wacdaro ka dhigo is reeb reebka koobka aduunyada waxaana markii ugu horeesay wiilasha Ocean Stars ayaa guul taariikhi ah ay badiyeen is reeb reebka koobka aduunka kulan ciyaareed ay 1-0 kaga adkaadeen xidigaha wadanka Zimbawe..

Guddoomiyaha farsamada Xariirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdisamad Sheekh Qaasim ayaa madaxda dowladda iyo siyaasiinta ka dalbay in ay kaalin libaax ka qaataan dhiiri-gelinta iyo kor u qaadida xulka qaranka wuxuuna intaa ku daray in xariirka kubbadda cagta uusan galigii ku filneen guulaha uu xulka.

Guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog y sheegay in lag soo gudbay waqtigii lagu xisaab tami jiray natiijooyinka xulka iminka la doonayo in si wadajir ah ay isku kaashadaan dowladda,ganacsatada iyo bahda ciyaaraha, si xulka qaranka Soomaaliya oo u gaaro guulo waaweyn oo dhinaca ka qeygalka tartamada caalamka.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa labo kulan la dheelay is reeb reebka koobka aduunka dhigiis Zimbabwe waxaana Soomaaliya lagu amaanay in garoomada la yimaadeen wax k badan wixii lagu bartay,Xariirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA ayaa Soomaaliya ugu hambaleeyay is badalka muuqda ay ka sameeyeen tartamada dibadda,iyagoo ku dhiiri-geliyay in ay sii wadaan da’daalka iyo horomarinta kubbadda cagta.

Cabdiqani Saciid Carab oo ah gudoomiyaha Xariirka Kubbbadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay wacdaraha ay soo bandhigeen dhallinyarada xulka ay keentay in uu is badalay dareenka iyo heerka taageernimo ee xulka,isagoo u mahad celiyay qof walb oo kaalin ka qaadanaya geedi socadka iyo ya’dadeelada guulaha,guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab ayaa dowladda ka dalbaday in ay  door wacan ka ciyaaraan horomarka iyo dhiiri-gelinta ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Fariiinta Xariirka Ay U Direyn Madaxda Dowladda

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/463222150948707/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle