U bood dhigaalka

Xarrakada Alshabaab Oo Lacag Madax-furasho Ah Ka Dalbatay Dhaqaatiir U Afduuban.

Sheeko:Dalka

Xarrakada Alshabaab oo la tuhunsan yahay inay ka afduubteen Kenya laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa hadda dalbanaya lacag madax-furasho ah oo gaareysa $1.5 million)

Dalabkaan madax-furasho ayaa la helay markii odayaal kasoo jeeda Jubbaland ay tageen tuulooyin fog oo dhaca Jubbaland halkaasoo labada dhaqtar la rumeysan yahay in lagu hayo.

Odayaal ka socda magaalooyinka Mandera iyo Bula-xaawo ayaa u safray tuulo ku taal inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Ceel-cadde si ay wada-xaajood uga galaan sii-deysmada dhaqaatiirta.

Afhayeenka boliiska dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay ineysan weli soo gaarin warbixintan, bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u tixgelisa odayaasha waxayna awood u leeyihiin inay xalliyaan arrimaha aadka u qallifsan.

Odayaashu waxay xaqiijiyeen in dhaqaatiirtu nool yihiin oo ay adeegyo caafimaad siinayaan bulshada ku dhaqan goobo ay Alshabaab maamusho.

Dhaqaatiirtan ayaa la afduubtay 12kii bishii April kaddib markii weerar gaadmo ah lagu soo qaaday iyadoo weerarkaas lagu dilay askari ka tirsan boliiska dalka Kenya.