U bood dhigaalka

Xarrakada Alshabaab Oo Qorsheyneysa Inay Mandera Weerarto.

Sheeko:Dalka

Waxaa jirta suurto-galnimo ah in weerarro argagixiso ay ka dhacaan xudduudda Soomaaliya ay la leedahay Kenya gaar ahaan magaalada Mandera sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan sirdoonka dalka Kenya.

Warkaan kasoo baxay sirdoonka Kenya ayaa muujinaya in Xarrakada Alshabaab ay isku uruursaneyso deegaanka Fino ee Mandera halkaas oo ay ka qorsheynayaan inay ka fuliyaan weerar ay ku qaadaan goobo ay leeyihiin ciidamada ammaanka ee dalka Kenya kaasoo la mid ah weerarkii Ceel-Cadde ee lagu dilay in ka badan 100 askari oo Kenyan ah sannadkii 2016.

“Waxaa jirta warbixin la helayo taasoo ah in Alshabaab ay weerar qorsheysan ka fulin doonaan xudduuddda deegaannada  Mandera iyo Fino haalkaasoo ay kusoo daabbuleen saldhigyana uga sameeyeen dagaalyahannadii deegaanka Ceel-Cadde kuwaasoo horey u weeraray Xero ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Ceel-Cadde waxaana loo arkaa inay yihiin koox loo gaaryeelay inay weeraraan laamaha ammaanka ee Fino,” Sida lagu sheegay xog ay heleen sirdoonka Kenya.

Weerarkan ay maleegayaan Alshabaab ayaa lagu beegsan doonaa ciidamada qaaska ah ee dalka Kenya u qaabbilsan Xudduudda iyo saraakiil ka tirsan boliiska Kenya kuwaasoo hawlo amni ka haya xudduudda Kenya la leedahay Soomaaliya.

Warkaan oo la helay 30, bishii May ayaa muujinaya in Xarrakada Alshabaab ay geysay ciidamo meelo u dhaw xudduudda Soomaaliya iyo Kenya waxaana ay qorsheynayaan inay weerarro ku qaadaan gudaha dalka Kenya dhammaadka bisha Ramadan.

Warku wuxuu sheegayaa in Alshabaab ay ciidamo ku daabbushay deegaannada Hafura, Hawagarse iyo Langura’a oo xudduuda dhaca. Badankood dadka fulinaya weerarka waa dagaalyahanno Kenyan ah oo ay dhawaan Alshabaab qoratay.

Xarrakada Alshabaab ayaa isu kala qeybisay weerarka sida warka lagu sheegay waxayna qeybo ka mid ah beegsan doonaan gawaarida sida kuwa ay leeyihiin NGOyada kuwa dowladda iyo kuwa dadweynaha ee dhammaantood ku safra xudduudda Kenya la leedahay Soomaaliya.