U bood dhigaalka

Xarun Caafimaad Oo Laga Hirgeliyey Deegaanka Camaaraa, Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Markii ugu horreysay xarun caafimaad oo bulshada loogu adeego ayaa laga hirgeliyey deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaasi oo baahiyo caafimaad ay ka jirtay.

Dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay hirgelinta xarunta caafimaad, taasi oo looga bixi doono baahiyaha dhanka caafimaadka ah ee deegaankaasi ka jiray.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Camaara oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen hirgelinta xaruntaan, islamarkaana aaney xaruntan wax u tari doonin oo kaliya dadka ku dhaqan deegaankaasi, ee sidoo kale ay wax u tari doonto dhammaan dadka ku nool deegaannada kale ee deegaankaasi hoostaga.

Isbitaalkan ayaa qaabili doono bukaanno badan oo deegaanka ah, waxaana sidoo kale uu meesha ka saari doonaa dadkii xanuun ahaan loogu qaadi jirey deegaanno kale oo gobolka ah.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug waxaan ka jirin xarumo daboola baaahida hooyada iyo dhallaanka, iyadoo mararka qaar ay dhacdo in dadka caafimaad ahaan loogu qaado deegaanno fog oo gobolkaasi ah.

Goobjoog News