U bood dhigaalka

Xarun Lagu Keydiyo Dawada Oo Laga Hirgelinayo Baydhabo

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka maamulka K/galbeed ayaa sheegtay in magaalada Baydhabo laga hirgelinayo xarun lagu keydiyo dawada, si wax loogu qabto shacabka hoostaga maamulkaasi.

Wasiirka wasaaradda, Isxaaq Cali Subagle oo dhagax dhigay xaruntan ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay, islamarkaana lagaga hortagi doono dawo la’aaanta.

Waxa uu sheegay wasiirka, in xaruntan markiiba ay keydin karto dawo la isticmaali kari muddo Labo Sano ah, meeshana ka bixi doonto kala go’a dawooyinka.

Dhismaha xaruntaan ayaa lagu soo gabagabeyn doonaa muddo 45 cisho ah, sida uu sheegay wasiir Isxaaq.

“Xaruntaan waxay muhiim u tahay bulshada ku dhaqan K/galbeed, waxaa lagu keydin doonaa dawadii ay isticmaali lahaayeen bulshada K/galbeed muddo Labo Sano ah” ayuu yiri wasiirka.

Dhismaha Xaruntaan ayaa kusoo beegmaysa xilli shacabka K/galbeed ay mararka qaar la daalaa dhacayeen dawo la’aan.

Goobjoog News