U bood dhigaalka

Xaruntii Daraawiishta Ee Magaalada Baladweyne Oo La Burburinayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxa sheegayaan in la burburinayo xaruntii Daraawiishta ee magaalada Baladweyne, taasi oo loo yaqaanay Cago Dhidid.

Odayaal dhaqameed ku sugan magaalada Baladweyne ayaa warqad ay u qoreen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiye Jawaari iyo Ra’iisul Cumar u gudbiyeen xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka oo ku sugan magaaladaasi, cabasho kaga muujinyay burburka halkaasi lagu sameynayo.

Odayaashaan ayaa sheegaya in la iibsanayo hantidaasi oo ka dhaxeysa shacabka Soomaaliyeed, sida uu inoo sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in arrinta kale ee ugu daran ay tahay in la fujinayo Biro waaweyn oo ku yaalla Bakhaaro Keydka raashiinka ahaa, gaar ahaan halka loo yaqaano Injiga.

Jeesow ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid aan loo dul qaadan doonin, islamarkaana ay baari doonaan wax walba sida ay u jiraan.

“Waxgaradka warqadaan ii keenay waxay sheegayaan in hantidii qaranka la iibsanayo, waxaa la burburinayaa Bakhaaradii Injiga oo laga saarayo birihii ugu waaweynaa ee ku xirnaa halkaasi, kuwaa oo qiimo ahaan jooga Halkii Xabo lacag dhan 6-kun oo doolarka Maraykanka ah” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in looga baahan yahay madaxda dowladda Soomalaiya inay soo cadeeyaan waxa ka jira in la iibinayo xaruntii Daraawiishta ee magaalada Baladweyne, maadaama hanti shacabka oo dhan wada leeyihiin tahay.

004 003 002 001

Goobjoog News