U bood dhigaalka

Xasan Kheyre, Horay Wasiirro Ka Tagay ayaa Ku Sifeeyey Isbarbar yaac, Been, La Heyste, Federaal-ka Neceb!

Sheeko:Amniga

Dad badan ayaa ka xumaaday sida Xasan Kheyre, ra’isul wasaarihii hore looga diiday codsigiisa ahaa inuu xilka ku wareejiyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyada oo uu shalay wareejiyey ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed, taasi oo loo arkay bahdilaad mar kale lagu sameeyey ra’isul wasaarihii hore.

Xasan Kheyre oo muddo saddex sano iyo bar ah ra’isul wasaare daacad u ahaa Farmaajo ayaa lagu ceyiyey mooshin golaha shacabka dhex yiilay 5 daqiiqo, iskadaa xildhibaannada kale e, waxaa ka codeeyey ama ka aamusay 55 xildhibaan oo ka tirsanaa golihiisa wasiirrada.

Xasan Kheyre oo hadda sheegay inuu yahay murashax madaxweyne ayaan intii uu xafiiska joogay aan kasban dadka, ma laheyn xulufo, xizbi ama saxiib siyaasadeed, waxaana horay la dhaqankiisa u dhaliilay ama xun u sifeeyey qaar ka tirsan golihiisa wasiirrada ee la soo shaqeeyey iyada oo qaarkood ay ku sheegeen isbarbar yaac, halka mid kale ay ku sifeysay beenlow, hogaamiye anfariirsan oo la heysto iyo mid sadexaad oo leh federaalka ah ayuu diidan yahay.

Haddaba, Halkan hoose Ka Akhriso sida ay horay Xasan Kheyre ugu sifeeyeen wasiiraddii ka tagay.

November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi.

Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Waxaan xilkeyga uga tagay, waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga Institution si looga shaqeeyo Ayaan aqaanna, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakin shaqada marka ay isbarbar yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn, micnaha confusion badan ayaa laga qaadayaa,.. dowladeyda mucaarad kuma ahi, laakin duruuftan isbarbar yaaca ah waxaa igu adkaatay in aan ku shaqeeeyo”.

January 4, 2018: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa shaqada ka ceyriyay 3 wasiir oo kala ah: wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga calamiga Yusuf Garaad,, Wasiirka warshadaha iyo ganacsig Khadra Axmed Ducaale, iyo wasiirka arrimaha gudaha federalism-ka Cabdi Farah Saciid“Juxa”.

Wasiir Khadra Axmed Ducaale oo xil ka qaadisteeda ka hadashay ayaa tiri “Waa hogaamiye kusifoobey been iyo eex. Ma ixtiraamo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisa, Wasiiradda, xildhibaanada, aadna wuxuu ugu bogaa marka uu goob-joogayaal u haysto ku tumashadooda iyo bahdilidooda” Iyada oo intaas raacisay “Nasiib wanaag marka laga reebo hadal heynta bulshada, , anigu aad baan fudeyn u dareemay in aan ka nastay 5 saacadahood shir gole wasiirro oo bahdilaad ah oo aan fadhiyo, intiisa bandanna been iyo caay uu ku hadlaayo.

 Khadro oo sii hadleysa “Muddadii halka sano ahayd ee aan la shaqeynaysay Kheyre talada ugu badan ee uu isiin jiray waxay ahayd inaanan aaminin Wasiiru dowlaheyga, Wasiir ku xigeenkeyga, Xildhibaannada, Xafiiska madaxweynaha iyo aqlabiyadda golaha wasiirrada. Markay halkaas marayso, waxaan dareemay inuu yahay hogaamiye anfariirsan oo la heysto. Aqoontayda shaqo iyo isdhaxgalkeena markaan ka hadlo dhabtii waa nin ku dhiirrada dhanihiisa shaqsiga ah wax kasta oo ay ku qaadataba. Soomaaliya waxay astaahishaa si ka wanaagsan sida ay hadda tahay. Dalku waxuu u bahanyahay hogaamiye bisil, aragti fog leh, xaqiiqda ku taagan qowlkiisana ka dhabeeya.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka arrimaha gudaha oo iyagana qoraal soo saaray waxaa ay sheegeen in aan loo sheegin xilka qaadista taas oo protocol ahaan hadal badan laga keenay, waxaa kale oo ay soo jeediyeen arrimo muhiim u ah jiritaanka dowladnimada.

Yusuf Garaad waxaa uu la dardaarmayey madaxweynaha iyo wasiirka 1aad waxaa uu yiri “waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda”

Cabdi Farax Juxa oo isna la ceyriyey isaga oo xadka shaqo ugu maqnaa ayaa yiri “Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, danteenuna waa isku tolan tahay, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay”.

Hadda uu Xasan Kheyre yahay murashax madaxweyne, waxaa uu hankiisa ku sheegay uun baraha bulshada, mana hor iman dadka Soomaaliyeed, lamana oga inuu raadin doono dadkii uu lumiyey intii uu xilka hayey ama inuu sidan iska ahaandoono.

Goobjoog News