U bood dhigaalka

Xasan Muungaab oo Xilkii Laga Qaaday iyo Warar Ka soo Baxaya  Murashixii Badali Lahaa

Sheeko:Dalka

Warar ku dhaw madaxtooyada  ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in maanta xilkii laga qaaday Guddoomiyihii gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Muungaab  waxaa uu sidoo kale ahaa Duqa Magaalada Muqdisho, lamana sheegin sababta xilka looga qaaday, iyadoo la sugayo shir jaraa’id.

February 27, 2014: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale warar Xog-Ogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in jagadii Muungaab uu u sharaxan yahay Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga ee  Peace and Development Party(PDP) Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wixii warar ah ee arinkaas ka soo kordha kala soco: Goobjoog News