U bood dhigaalka

“Xasan Saantos Wuu U Qalmaa In Uu U Ciyaaro Xulka Qaranka”Waxaa Sidaas Barnaamijka Xeyndaabka Ciyaaraha U Sheegay Macalin Gaatamow

Sheeko:Cayaaraha

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Muqdisho City Club Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya waana  markii ugu horeesay tan iyo sida uu u noqday ciyaarahan ka dheela tartamadda waaweyn ee gudaha.

Santos waxa uu labadii sano lasoo dhaafay soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan taas oo keentay in tababare Salaad Faarax Xasan uu xidigan kusoo daro liiska xulka qaranka waxaana arintan si weyn usoo dhaweeyay saaxiibada iyo bahda ciyaaraha laacib Santoos.

Xassan Santos waxa uu ka mid yahay xidigaha ugu fir fircoon kooxda dowladda hose ee Muqdisho City Club bandhigiisa cajiibka ayuu ku helay in uu xerto maaliyada xulka ani ahaan waa taageersanahay horomarkiisa”waxaa sidaas barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Macalin Cabdi Wali Colaad Qanyare Gaataamow oo ka mid ah tababarayaasha kooxda Muqdisho City Club.

Laacib Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii tagay 2018,Santoos oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarintan uu hantay.

“hadii uu san da’daal wanaagsan soo bandhigi laheyn loogama wacin in uu xulka u dheelo waan bogaadinaynaa horomarka iyo heegsiga uu ku tilaabsanayo xirfadyahan Xasan Santos” waxaa sidaas barnaamijka xeyndaabka u sheegay Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ah falanqeeye ciyaaraha gudaha.

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Laacib Xasan Santo

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2194957677490362/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle